Turkiga oo beeniyay in ciidamo calooshood-u-shaqeystayaal ah usoo dirayo Soomaaliya.

Saturday November 14, 2026 - 09:55:05
MeMO Staff
Dowladda dabadhilifka Turkiga ayaa gaashaanka u daruurtay warar soo baxay oo sheegaya in calooshood ushaqeystayaal Atraak hor leh Soomaaliya la keeni doono si ay ubedelaan ciidamada Afrikaanta ah ee geeddiga guuritaanka ah ku jira.
Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga waxay been aan sal iyo raad laheyn ku tilmaamtay in ay Soomaaliya usoo dirayso 15,000 oo askari iyadoo dhinaca kale xaqiijisay in Turkigu sii wadi doono taageerada milatari iyo iskaashiga amni ee ay laleedahay kooxda Villa Soomaaliya.

Wararkan ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn ugu dhex wareegayay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshadu kuwada xiriirto kuwaas oo sheegayay in kooxda Gurguurte ay dalal dhowr ah oo uu Turkigu ka mid yahay, ka codsatay taageero dheeraad ah oo lagu bedelayo ciidamada afrikaanta.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga Admiral Zeki Aktürk oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Ankara ayaa si cad u beeniyay sheegashada ah in dalkiisu Soomaaliya u dirayo 15,000 oo askari.

Aktürk ayaa sheegay in Turkigu Soomaaliya hore ugu lahaay saldhig weyn oo lagu magacaabo Turkisom kaasi oo kuyaal magaalada Muqdisho.

"Ciidanka Xoogga Dalka Turkiga ee Soomaaliya jooga, oo ka kooban Taliska Ciidanka dhulka iyo Taliska Cutubyada Cirka, ayaa sii wada taageerada ay ku bixinayaan xoojinta awoodda ciidanka Soomaaliya iyo ladagaallanka argagixisada" Ayuu yiri afhayeenka wasaaradda difaaca Turkiga.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in Turkigu uusan dhaqaale ahaan awoodin in uu maalgeliyo kumanaan calooshood ushaqeystayaal ah oo isku fidiya magaalooyinka la filayo in ay ka baxaan ciidamada shisheeyaha Afrikaanta ah.

Waxa loogu yeero beesha caalamka oo Turkigu ka mid yahay ayaa ku daalay sii wadidda maaligelinta qarashaadka ku baxaya calooshood ushaqeystayaasha Afrikaanta ah ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ku dhawaad 20 sano oo xiriirr ah iyagoo aan xaqiijin ahdaaftii loosoo diray oo ahayd in ay soo afjaraan jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Related Items

Update cookies preferences